Guddiga Qaban-qaabada maalmaha Xorriyadda oo Maanta Yeeshay Kulankoodii ugu Horeeyay.

0
357

Muqdisho(Idaacada Waamo)Waxaa maanta magaalada magaalada Muqdisho kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay Guddiga qaban-qaabada xuska maalmaha xoriyadda ee gobolada koonfureed iyo kuwa woqoyi ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka waxaa gudoominayay Guddoomiyaha guddiga ahna Wasiirka Warfaafinta mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye),ayaa ka warbixiyay, waxa uuna sheegay in sannadkan xuska uu ka duwanaan doono xusaskii hore u dhacay sannadihii hore.

Sidoo kale Wasiir Maareeye waxa uu sheegay sababta guddiga uu kulankoodii ugu horreeyay maanta u yeeshay, ayadoo oo ay lix bilood ku dhawaad ay ka harsantahay xuska todobaadka xoriyadda, waxa uu sheegay marka hore in ay tahay aragtida madaxda qaranka, gaar ahaan madaxwaynaha jamhuuriyadda mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hoos ka dhagayso codka Wasiirka Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here