Maamulka Gobalka Shabeelada Hoose oo deeq gargaar ah gaarsiyay qoysas dan yar

0
340

Marka(Idaacada Waamo)Maamulka G/ Shabeelada Hoose ayaa deeq gargaar ah gaarsiiyay ku dhawaad 1500 oo qoys oo ay sameeyeen fatahaadaha uu sameeyay wabiga Shabelle.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha Hoose Mudane Ibrahim Adan Ali-Najah ayaa horkacayay wafdiga deeqda gaarsiiyay qoysaska Ku dhaqan degmada Afgooye.

Guddoomiye   Ibrahim Adan Ali Najah ayaa uga mahad Celiyay Madaxweeynaha maamulka  koofur galbeed  Mudane Abdulaziz Hassan Mohamed -Lafta-Garen sida uu mar waliba hay’daha gargaarka u gaarsiiyo xaalada shacabka reer KGS.

Ma ahan Marki ugu horeysay oo maamulka gobolka Shabeelada Hoose uu deeq gaarsiiyo shacab weynaha ku dhaqan gobolka Shabellaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here