Dab damiska Australia oo khaati ka taagan xakamaynta dabka sii fidaya

0
375

Sydney (Idaacada Waamo)Sare u kaca heer kulka iyo abaaraha dabada dheeraaday ayaa sababay in ay sii laba kacleeyaan mowjadaha dababka ah ee ka socda Australia oo galaaftay nolosha 24 qof iyo waliba malaayiin xayawaan.

Dhowr magaalo oo dalkaasi ku yaalla ayaa gabi ahaanba laga qaxay kaddib markii uu kusoo fiday dabka oo xowli ku socday tan iyo bishii Sebteembar ee sanadkii tagay.

Waxaa la saadaalinayaa in halista dababkani ay sii badan doonaan taasoo ay ugu wacantahay heer kulka cimilada iyada oo aan wali lagu guuleysan dadaallada lagu xakamaynayo dabka.

Dababka ayaa ku baahay dhul lagu qiyaasay 60.000 oo KM oo isku wareeg ah, kaasoo u badan keymo iyo dhul beereed.

Gobolka New South Welez oo ah gobolka dhibaatada ugu weyni ku dhacday ayuu dabkani leefay dhul beereed baaxaddiisu la egtahay 4 milyan oo Hiktar isaga oo sidoo kale dhulka dhigay in kabadan 1300 oo guri oo dadkii degenaa ay ka qaxeen.

Xukuumadda ayaa sheegtay in gobollada uu dabkani sida aadka ah u aafeeyay uu ka mid yahay gobolka Victoria.

Howlwadeennada dab damkiska ayaa khadyaan ka taagan dabka oo faraha ka sii baxaya, wasakhowga hawada iyo heer kulka oo noqday mid aan la tahli Karin taasoo sababtay in dabku uu ku soo dhawaado magaalooyinka waaweyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here