Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Xuseen Baraki, oo ay wehliyaan Maamulka Degmada Dhoobley, Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda, Mudane Maxamed Axmed (Qase), iyo injineerada wasaaradda, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay mashaariicda biyaha ee ka socda Degmada Dhoobley, Mashaariicdan ayaa haatan maraya heer gabogabo ah, iyada oo xoogga la saarayo horumarinta iyo dib-u-habaynta adeegyada biyaha ee degmada.
Awke Ali Awil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.