Hay’adda FOA oo warbixin kasoo saartay waxyeelada Ayaxu u geystay Soomaaliya.

0
459

Kismaayo(Idaacada Waamo)Hay’adda Cuntada iyo beeraha adduunka ee FOA ayaa sheegtay in Ayaxa uu burburiyey 70,000 oo hiktar oo ah dhul beereed ku yaalla Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaana Hay’adda ku tilmaantay duullaankii ugu waynaa ee Ayaxaasi ku soo qaado geeska Afrika muddo 70 sano ah.
Ayaxa ayaa waxyeello ba’an u geystay dhul ballaaran oo isugu jira dhul beereed iyo dhul ay xooluhu daaqaan.
Ayaxa oo raxan-raxan u socday ayaa gebi ahaanba dhulkii uu ku degay u bedelay dhul u eg lama degaan aan weligiis roob ku di’in, arrintaas ayaa saameyn ku yeelatay beeralay iyo xoolo dhaqato badan.
Dhanka kale war-saxaafadeedka kasoo baxay Dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in Dowladda Kenya ay soo iibsatay 3,000 oo litar oo kiimiko ah, si ay ugu buufiso hawada, Iyadoo sidoo kalena u qaybin doonto dadka deegaanka gobolada laga cabsida qabo in Ayaxu waxyeeleeyo.

R/W,Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here