Enrique Oo Ka Hadlay Guuldaradii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Liverpool

0
8

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Luis Enrique ayaa dareemay in kooxdiisa Paris Saint-Germain ay u qalantay in ay garaacdo Liverpool habeenkii Arbacada ‘dabcan’ waxay badin doonaan lugta labaad ka dib guuldaradii 1-0 ee ka soo gaartay France.

PSG ayaa wacdaro ku dhigtay hogaamiyayaasha Premier League lugtii hore ee wareega 16ka ee ka dhacay Parc des Princes.

Waxa ay abuureen fursado ka badan kuwii Liverpool laakiin goolhayaha Reds ee Alisson Becker ayaa ku jiray qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo si xidhiidh ah u sameeyay badbaadino Cajiib ah.

Kooxda Arne Slot ma aysan helin fursado badan laftooda, laakiin waxay qaateen mid ka mid ah iyadoo Harvey Elliott uu ka soo kacay kursiga keydka isagoo dhaliyay goolkii guusha daqiiqadii 87-aad.

Kooxda martida loo ahaa ayaa 27 darbo ku tuurtay goolka Liverpool in badana Haysatay kubada iyada oo aamusiyay weerarka Liverpool.

Enrique ayaa dareemay in natiijadu ay tahay cadaalad daro laakiin ma ogolaan doono in kalsoonidiisa la ruxo iyada oo kooxdiisu ay isku diyaarinayso lugta labaad ee wayn ee Anfield todobaadka soo socda.

“Dareenkaygu hadda… way adagtahay in aan si fiican uga fikiro kulanka sababtoo ah waxa aan u malaynayaa in aan u qalano in aan guulaysano, si cad. Waxaan abuurnay fursado badan”ayuu yidhi tababuruhu.

“Waxaan u maleynayaa inay tahay mid ka mid ah kulamadii ugu fiicnaa ee aan maanulay champions league xilli ciyaareedkan”.

“Marka aad ka fikirto ciyaartoyga ugu fiican Liverpool waxa uu ahaa Goolhaye Alisson, kubbada cagta marar badan ayaa cadaalad darro ah, waana inaan aqbalnaa taas. Laakiin, waxaan diyaar u nahay inaan aadno Liverpool”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here