Alexis Mac Allister ayaa shaaca ka qaaday qorshihiisa mustaqbalka ee kooxda Liverpool.
Mac Allister wuxuu ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan Liverpool tan iyo markii uu ka soo dhaqaaqay Brighton xagaagii 2023.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayaa in ka badan 80 kulan u saftay Reds tartamada oo dhan, isagoo dhaliyay 11 gool.
Xilli ciyaareedkan, waxa uu u saftay 35 kulan kooxda Arne Slot, isagoo u dhaliyay afar gool, waxaana uu diiwaan geliyay afar caawin si uu uga caawiyo Liverpool inay hogaanka u qabato horyaalka Premier League.
Isagoo ka hadlayay kooxdan Liverpool iyo fursada ay ku qaadi karaan koobab xilli ciyaareedkan, Mac Allister ayaa shaaca ka qaaday in saaxiibtinimada kooxda Liverpool iyo xiisaha koobabka ay ku qaadayaan ay ka dhigayso inuu doonayo inuu sii joogo kooxda sannado badan oo soo socda.
“Runtii waa naadi gaar ah,” 26-jirka ayaa yiri.
“Marka aad joogto koox weyn, caadiyan waxaa jira xiddigo isla weyn laakiin kooxdan wad arki kartaa in la siman yahay, Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkan joogo, waxaanan rajaynayaa in aan halkan sii joogo Sanado badan”.