Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Goobaha lagu sameeyo Macmacanada kala duwan isla markaana lagu magacaabo Axsan Sweets and Fruit ayaa magaalada kismaayo laga daah furay habeenkii xalay ahaa, Xarunta ayaa noqonaysa tii ugu horaysay nooceeda ee laga hirgaliyo magaalada Kismaayo.
Xarunta waxaa lagu sameeya Macmacaano ka samaysan midhaha dalka iyo cabitaano kuwaa oo dabooli doono baahiyihii ay bulshada Kismaayo u qabtay Xarun bixisa adeegyadaasi oo kale.
Juweeriya Xasan Axmed ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.