Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Maamulka Madarasada Salmaanul Faarisi oo ka mid ah Madarasooyinka ku yaalo magaalada Kismaayo ayaa Xaflad qalin jabin ah u qabtay 38 arday oo dhameysay Xifdinta qur,aanka kariimka.
Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeyb galay Maamulka Machadka, Macalimiin, culimaa’udiin, Waalidiin, Arday, iyo Marti Sharaf kale oo lagu casuumay Xafladda, iyadoona xaflada shahaadooyin lagu gudoonsiiye ardaydii dhameysay Qur’aanka kariimka.
Awke Ali Awil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.