Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Maamulka degmada Beledxaawo ayaa daah-furay wajiga labaad ee dhismaha garoonka diyaaradaha magaaladaasii oo lagu hagaajinayo qeybta diyaaraha ay ku ordaan ee Raanweyga kadib markii uu soo dhamaaday wajigii 1 aad oo garoonka looga jarayay geedaha.
Dhismaha garoonkaan ayaa waxaa iska kaashanaya bulshada iyo maamulka Degmada Baladxaawo.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.