Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay Beerta Ummadda ee Gobolka Banaadir

0
9

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa dhagax dhigay Beerta Ummadda ee Gobolka Banaadir, oo qeyb ka ah qorshaha horumarinta Caasimadda Muqdisho.

Mashruucaan ayaa laga hirgelinaya Degmada Waaberi gaar ahaan meel aan ka fogeyn Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyadoona Munaasabadda dhagax dhigga uu goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Waaberi Maxamed Sayid Cali, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.

Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here