Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dawlad Gobaleedka Jubbalanad ayaa Dhawaan Soosaartay Go’aan lagu Jaangoynaayo qiimaha Khidmada kaas oo laga dhimay Bulshada
Dugsiga Hoose ayaa laga Dhigay khidmada 6$ Halka Dugsiga Dhexe laga dhigay 8$ Dugsiga Sare ayaa isagana laga dhigay qiimo dhan 12$.
Juweeriya Xasan Axmed ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.