Kismaayo(Idaacadda Waamo)- Ciyaaryahanka Declan Rice ayaa uga digay Liverpool in Arsenal ay sii wadi doonto isku dayga ay ku ‘ ugaarsanayso’ xilli tartanka loogu jiro horyaalka Premier League uu sii kululaanayo.
Xiddigga heerka caalami ee reer England Rice ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah, iyadoo kooxdiisu ay 5-1 ku garaacday kooxda heysata horyaalka Manchester City ciyaar ka dhacday Emirates habeenkii Axada ahaa.
Natiijadu waxay ay soo yaraysay dhibcaha ay ka dambayso Liverpool iyada oo kooxda Slot hal kulan baaqi u yahay.
Declan Rice ayaa yiri Arsenal waxay tartami doonto ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka iskuna dayi doonaan in ay soo afjaraan 21 sano ee ay sugayeen horyaalka.
“Waxa aan u baahanahay in kooxaha kale na caawiyaan, Liverpool amaan ayay mudantahay, waxa ay ku jireen qaab ciyaareed fiican laakiin waan ugaarsan doonaa”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.