Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield ku marti galinaysa kooxda Ligue 1 ka ciyaarta ee Lille kulan ka tirsan champions League waana kulan ay Reds si toos ah ugu soo bixi karto wareega 16ka.
Reds ayaa u baahan kaliya hal dhibic si ay xaqiijiso u soo bixitaankooda wareega 16-ka ee tartanka halka ay Lille ku jirto kaalinta 8-aad iyaga oo leh 13 dhibcood.
Kooxda Slot ayaa u baahan in ay ka wal-walto in kooxda Lille ku jirto qaab ciyaareed cajiib ah una tartamayso horyaalka France.
Si kastaba ha ahaatee, Slot wuxuu dareemi doonaa kalsooni ah in kooxdiisu ay dhamaystiri shaqada maadama ay yihiin kooxda kaliya ee wada badisay dhamaan kulamada ay ciyaartay tartanka.
Liverpool iyo Lille ayaa kaliya labo jeer oo hore ku kulmay Yurub, iyadoo Res ay ka soo baxday wareega 16ka Europa League ka dib markii ay 3-1 kaga badisay labadii lug ee xilli ciyaareedkii 2009-10.
Rafael Benitez ayaa hogaaminayay kooxda Merseysiders, laakiin kooxdiisu ayaa lugtii hore 1-0 looga badiyay kooxdiisa iyada oo Eden Hazard dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta daqiiqadii 85-aad.
Lugtii labaad ee dhacday 18-kii March ayay Liverpool ku badisay 3/0.