Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Magaalada Kismaayo ayaa maanta laga daahfuray tababar soconaya muddo laba maalmood ah, kaas oo ay soo qabanqaabiyeen Midowga Ururada Shaqaalaha Jubbaland. Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray aqoon-isweydaarsi iyo latashi ku saabsan qabyo-qoraalka siyaasadda qaran ee la xiriirta kaabista iyo la-dagaallanka saamaynta isbeddelka cimilada.
Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.