Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Dadka Soomaaliyed ayaa inta badan waayadan danbe waxa ay si aad isticmalkiisa u bilaabeen gaaska cuntada lagu karsada kaas oo meesha ka saaray isticmaalkii badnaa ee dhuxusha laga sameeya dirta oo nabaad guur u geysatay deegaanka, bulshada Soomaaliyed ayaana in muda ah lagula talinaayay in ay isticmalaan gaaska cuntada lagu karsada si deegaanka nabaad guurkaa looga badbaadiya.
yado adeegsiga gaaska uu yareeyay isticmalka dhuxusha caadiga ah ayaa hadana waxa jirta qatar ku gadaaman isticmaalka gaaska taasi oo ah inuu dhaliya dab ka kaca guriga u yaala taasi oo sababi karta qasaara nafeed iyo mid hantiyadeed inbadana waxaa dhacday in dab ka dhashay gaaska uu qasaara kala duwan geysta.
Mowliid Abdi Kulmiye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.