Soomaaliya oo ku dhawaaqday musharaxnimadeeda Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika

0
38

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday musharaxnimadeeda ku biiridda Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika, muddo xileedka 2025–2028.

Dowladda Soomaaliya ayaa tilmaantay in guulaha ay gaartay sida dib-u-habeynta deymaha, ku biiridda Bulshada Bariga Afrika (EAC), iyo doorashadeeda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (2025–2026) ay caddeyn u tahay horumarkeeda iyo doorka ay ka ciyaareyso horumarinta ajendayaasha gobolka iyo qaaradda.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegya in musharaxnimada Dowladda Federaalka ay ku saleysan tahay dhowr arrimood oo muhiim ah:

Soomaaliya weli ma aysan ka mid noqon Golaha Nabadda iyo Ammaanka tan iyo markii la aas aasay 2004, taas oo ka dhigaysa musharaxnimadan mid u taagan sinnaanta iyo ka qeybgalka.

Maadaama ay tahay xubin ka mid ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Soomaaliya waxay leedahay fursad gaar ah oo ay ku hormariso mudnaanta Afrika ee heer caalami.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here