Kismaayo(Idaacada Waamo)Kulankaan oo ay soo qaban qaabiyeen haweenka Dalada Nabadaynta Dagmada Kismaayo Ayaa muhiimada loo qabtay ahay in ay haweenku Ay muujiyaan doorkoda ku aadan Kaqayb Qaadashada siyaasada iyo dib udhiska dalka .
Afhayeenka Dalada Nabadaaynta haweenka Dagmada Kismaayo Cadar Ismaacil Juraati Oo Gobta Kahadashay ayaa faah faahisay muhiimada kulankan ay qabteen.
Dhinaca kale Xildibaan Faadumo Macalin Cali oo kamid ah Baarlamaanka Jubbaland ayaa dhankeda sheegatay in ay dadaal ugu jiraan sidii Golaha wasiirada Jubbaland Ee lasoo Dhisi Doono ay haweenku qoondo fiican uga heli lahayeen.
Waxaa Mudooyinkii danbe Haweenka Soomaliyed ay dadaal ugu jireen sidii ay door muuqda Ugu yeelan lahayeen hanaanka siyaasada dalka.
R/W,Xamdi Maxamed Yaasiin.