Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Dhuusamareeb Gaaray

0
417

Dhuusamareeb(Idaacda Waamo)Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo magaalada Dhuusamareeb waxa uu kulamo wadatashi ah la qaadanayaa qaybaha kala duwan ee bulshada reer Galmudug.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale waxuu u kuur geli doonaa arrimaha horumarinta bulshada, mashaariicda horumarineed iyo xaaladda amniga ee deegaanka.

R/W,Abdijamal Moalim Ahmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here