Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Raaskaambooni waa deegaan hoos taga Degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose, waxaa ku yaalo goobo Waxbarasho oo kala duwan sida Dugsi Qur`aan, Macaahida Diiniga, iyo iskuulada Waxbarashada maadiga iyo diiniga lagu barto.
Maamulka Iskuulka deegaanka Raaskaambooni ayaa sheegay iney jiraan caqabado badan oo dhanka waxbarashada deegaanka Raaskaambooni iyadoo uu sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto caqabadahaasi.
Awke Ali Awil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.