Muwaadiniiin Qoxooti ku ahaa wadanka Yeman oo dalka dib loogu soo celiyay

0
8

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Guddoomiyaha hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI) Marwo Safiya Xasan Maxamed ayaa Garoonka Muqdisho ku soo dhaweysay 109 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah kuwaas oo maanta dalkooda dib loogu soo celiyay, ka dib waqti dheer oo ay dalka Yemen Qaxootiga ku ahaayeen.

Dadkan oo isugu jiray Caruur, Dumar, Waayeel iyo dhallinyaro ayaa soo celintooda waxaa iska kaashaday Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, UNHCR iyo IOM Xafiisyadooda Soomaaliya.

Muwaadiniinta dalkooda ku soo laabtay ayaa sheegay inay lakulmeen daruufo badan oo aad u xooggan oo ay wajaheen intii ay joogeen xeryaha Qaxootiga Yemen. Muwaadiniinta ayaa u mahadceliyay Dowladda Soomaaliyeed oo dedaal ku bixisay sidii dadka Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Qaxootiga dalkooda dib loogu soo celin lahaa.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka ayaa sheegtay inay dedaal badan ku bixinayaan samata bixinta dadka Soomaaliyeed ee doonaya inay dalka kusoo laabtaan, waxay gudoomiye Safiya xustay inay NCRI si dhaw ula socon doonta nolasha dadka dalka dib loogu soo celiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here