Madaxweynaha Jubbaland oo Warbixin ka dhageystay laamaha kala duwan ee dakhli aruurinta Jubbaland.

0
430

Kismaayo(Idaacada Waamo)Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan isla Xisaabtan ah la yeeshay laamaha kala duwan ee dakhli uruurinta Jubbaland si uu u hubiyo shaqada ay hayaan isla markana looga wada hadlo qorshayaasha Sanadka soo socda lagu kobcinayo nidaamka Maaliyada Jubbaland.

Wasaarada Maaliyada Jubbaland Maamulka garoonka diyaaradaha iyo Dekeda Maamulka Degmada Kismaayo Maamulka Hay’ada dhul bixinta ayaa ka qaybgalay kulankan isla xisaabtanka ah waxaa kale oo goob joog ka ahaa Hanti dhowraha guud ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Ugu horayn waxaa Wasaarada Maaliyada ay soo gudbisay hanaanka maaliyada Jubbaland iyo qaababkii uu u korayay Sadexdii sano ee lasoo dhaafay iyadoo caqabado ay jireen hadana wax badan oo wanaagsan la qabtay si gaar ahna ay dalalka caawiya Soomaaliya ay la dhacsan yihiin hanaanka Maaliyada Jubbaland iyadoo waliba loo baahan yahay in dib u habayn baaxad leh lagu sameeyo hanaanka Maaliyada Jubbaland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in hanaanka Maaliyada Jubbaland loo baahan yahay inuu noqdo mid aamin ah oo ka madaxbanaan musuq si taas loo Helena loo baahan yahay isla Xisaabtan joogto ah iyo in sharciga maaliyada loo maro dhamaan shaqooyinka la xiriira arimaha dakhliga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here