Ra’iisul Wasaare Khayre oo ku Baaqay in la Caawiyo dadkii ku Dhaawacmay Qarixii Shalay.

0
424

Muqdisho(Idaacada Waamo)Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa booqday xarunta gurmadka deg-degga ah oo ay ka socoto isku dubba ridka howlaha loogu gurmanayo Dadkii waxyeelladu kasoo gaartay  Qaraxii  Muqdisho ka dhacay Shalay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Isbitaalka Erdoğan oo kamid ah xarumaha caafimaad ee lagula tacaalayo xaaladda caafimaad ee qaar kamid ah dhaawacyada waxyeelladu kasoo gaartay, waxuuna la kulmay maamulka Isbitaalka oo warbixin ka siiyay xaaladda bukaannada lasoo gaarsiiyay.

Khayre, ayaa Dhanka kale la kulmay Guddiga gurmadka iyo Dhallinyarada dhanka farsamada kala shaqeyneysa, wuxuuna ka dhageystay warbixin la xariirta howlaha ay wadaan, isagoo kula dardaarmay inay dedaalkooda oo dhan isugu geeyaan in sida ugu dhaqsaha badan dhaawacyada loo daryeelo.

Xarunta gurmadka deg-degga ah ayaa waxaa si habsami leh uga socda dedaallada gurmadka , iyadoo dhaawacyada ay xaaladdoodu aadka u darantahay loo diyaarinayo daryeel Dalka dibeddiisa ah.

R/W,Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here