Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeybgalay shirka Sanad laha ah ee Maaliyadda Afrika

0
24

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige ayaa maalintii Labaad ka qeyb galaya shirka Sanad laha ah ee Maaliyadda Afrika (๐€๐Ÿ๐ซi๐œ๐š ๐…๐ข๐ง๐š๐ง๐œ๐ข๐š๐ฅ ๐’๐ฎ๐ฆ๐ฆ๐ข๐ญ) oo lagu qabanayo magaalada Casablanca ee Boqortooyada Morocco.

Shirkan oo maanta lagu soo gabagabeen doono magaalada Casablanca ee Boqortooyada Morocco ayaa waxa uu ka qeyb gali doonaa Wasiirka Maaliyadda kulamo guud iyo kuwo gaar ah oo ay ka mid yihiin doodo iyo hadal jeedino ku saabsan waddii Soomaaliya ee deyn-cafinta oo cashar ku dayasho mudan ay ku tilmaameen dalalka iyo heyโ€™adaha dhaqaalaha Adduunka.

Ka sukoow hadal-jeediyeyaasha muhiimka ah, waxaa sidoo kale uu Mudane Wasiir Biixi ka mid noqon doonaa Madasha Doodda sare ee shirka taas oo si gaar ah Dowladda Soomaaliya looga dhageysan doono aragtida, talada iyo qaabka ugu fudud ee loo maareeyo deymaha maadaama Soomaaliya ay noqotay dalkii ugu dambeeyay ee hannaanka deyn cafinta ka soo gudbay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here