Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa magaalada Abu Dhabi ee dalka Isku-tagga Imaataatka Carabta uga qayb galay shirka Guddiga Joogtada ah ee Wasaaradaha Warfaafinta dalalka Carabta, kaasoo looga hadlay xadgudubyada lagu haayo walaalaheen Falastiin iyo sida ay Warbaahinta dalalka Carabta iskaashi uga sameyn lahayd.
Shirkan oo maanta soo gabagaboobay ayaa sidoo kale looga hadlay sidii loo sameyn lahaa Platform Baraha Bulshada ah oo dalalka Carabta leeyihiin kaasoo la jaan qaadaya Tignoolajiyada cusub, iyo in Warbaahinta Carabta iska kaashadaan la dagaalanka fakirka gurracan ee argagixisada iyo arrimo kale.
Guddigan oo hoos taga Golaha Wasiirada Warfaafinta dalalka Jaamacadda Carabta ayaa la go’aamiyay in caasimadda Kuwait loo aqoonsado in 2025 ay noqoto caasimadda Warbaahinta Carabta.