Dowladda Soomaaliya oo Madagascar uga mahadcelisay badbaadinta muwaadiniin Soomaaliyeed

0
12

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si weyn ugu mahadcelineysa Dawladda iyo shacabka Madagascar, gaar ahaan kalluumeysatada ku dhow Jasiiradda Nosy Iranja, dadaalka geesinimada leh ee ay u galeen soo badbaadinta 47 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku qalibantay labo doonyood 23-kii November, 2024. Dhacdadan ayaa galaaftay nolosha dad badan oo tiradoodu dhan tahay 28 qof, iyadoo 23 lagu aasay Qabuuraha badda, halka 5 qofna lagu aasay Madagascar.

Dadka badbaaday oo ay ku jiraan 26 haween ah iyo 31 rag ah oo dhallinyaro ah, ayaa loo qaaday Jasiiradda Nosy Be, halkaas oo ay hadda ku sugan yihiin goob loogu talagalay. Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa maamulka Malagasy ayaa dadaal dheer ugu jirta sidii dadkan dib loogu soo celin lahaa dalkooda, dibna ula midoobi lahaayeen qoysaskooda.

Socdaalkan ayaa ka bilowday magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, iyadoo kooxdan ay soo mareen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyagoo ku sii jeeday magaalada Mombasa, halkaasoo ay ka raaceen doomo si lama filaan ah ugu dagtay meel u dhow Madagascar. Tani waxay muujinaysaa khataraha soo foodsaartay soogalootiga adduunka oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here