Maamulka PSG oo ka hadlay wararka lala Xiriirinaya Mohamed Salah.

0
31

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Madaxweynaha kooxda Paris Saint-Germain ee Nasser Al-Khelaifi ayaa shaaca ka qaaday in aysan waxba ka jirin wararka xanta ah ee kooxdiisa la xiriirinaya weeraryahanka Liverpool ee Mohamed Salah.

Salah ayaa ku dhow lixdii bilood ee ugu dambeysay qandaraaska uu kula jiro Liverpool, waxaana uu dhawaan awoodi doonaa inuu heshiis la galo kooxaha ka baxsan Engalnd si uu xagaaga xor ugu biiro.

Waxaa saacadihii ugu dambeeyay soo baxayay wararka sheegaya in kooxda PSG wadahadalo la furtay xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah si ay u hesho saxiixiisa.

Markii la weydiiyay wararka la isla dhexmarayo, Al-Khelaifi ayaa si deg deg ah ubeeniyay wararka sheegaya in ay kooxdiisu doonayso Salah, “Run maaha,” ayuu u sheegay Sky Sports Germany.

“Waa ciyaaryahan cajiib ah oo cajiib ah, laakiin waligeen ma aanan tixgelinin isaga, daacad ahaan”, “Waan ognahay in koox walba ay jeclaan lahayd inay hesho isaga, laakiin wararka xanta ah nala xidhiidhinaya isaga run maaha”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here