Ra’isul Wasaare Xamse oo bogaadiyay Kaalinta Dadka Naafada ah ku leeyhiin Bulshada

0
43
Kismaayo(Idaacadda Waamo)Ra’iisul Wasaaraha  Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Naafada Adduunka oo sanad walba Maanta oo kale laga xuso dunida oo dhan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda  intii ay jirtay la ansixiyey sharciga Naafada, ayna ka go’antahay ilaalinta Xuquuqda dadka Naafada ah ee Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in dowladu ahmiyad weyn siineyso bulshada Naafada ah, iyo horumarinta kaabayaasha dadweynaha ee loo dhanyahay.
“Waxaan bogaadinaya kaalinta dadka naafada ah ay ku leeyihiin horumarinta bulshada qeybaheeda kala duwan, waxaan rabaa inaan halkan ka caddeeyo in Xukuumadda ay ka go’antahay xal u helida colaadaha iyo in dalka oo dhan laga sameeyo tallaabooyin dhanka horumarka ah, ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.
Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in sanadaha soo socda dadka Naafada ah ay heli doonaan marinno sida ugu sahlan loo dhisay, ayna ka qeybgali doonaan siyaasadda dalka, doorashooyinka madaxa banaan, waxa kale uu sheegay in qorshaha isbeddelka Qaranka ee hadda socda uu saldhig u yahay sidii loo heli lahaa adeeg loo dhan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here