Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiirka arrimaha dibidda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa Muqdisho kulan kula yeeshay safiirka Malaysia ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya Ruzaimi Bin Mohamad intii lagu jiray bandhigga Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP).
Kulankan ayaa ku saabsanaa xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Malaysia, iyadoo diiradda lagu saaray danaha guud sida ganacsiga, waxbarashada, iyo horumarinta labada dal.