Wasiirka deegaanka oo khudbad ka jeedisay kulan looga hadlay doorka Sanduuqa Maalgalinta Cimilada

0
11

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS, Amb. Khadija Mohamed Almakhzoumi, ayaa khudbad ka jeedisay kulan muhiim ah oo looga hadlayay dib u qaabeynta nidaamka maaliyadda aduunka iyo doorka Sanduuqa Maalgalinta Cimiladda (Green Climate Fund) ee ku saabsan taageerada maaliyadeed ee dalalka u nugul isbeddelka cimilada. Kulankan oo barbar socda shirweynaha COP29 ee ka socda Baku, dalka Azerbaijan, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo abuuri lahaa nidaam dhaqaale oo casri ah, kaas oo bixiya maalgelin hufan oo wax ka qabta caqabadaha isbeddelka cimilada.

Wasiirka ayaa madasha ka sheegtay in Soomaaliya ay uga mahadcelineyso taageerada GCF, oo ansixiyay mashruuc taariikhi ah oo $100M ah kaas oo naga caawinaya inaan dhisno adkeysi bulsho iyo inaan awood siino dadka ay saameeyeen isbeddelka cimilada si ay uga jawaabaan dhibaatooyinkaasi. Maalgelintan waxay muhiim u tahay Soomaaliya, iyadoo fursad u siinaysa inay hore ugu sii socoto oo ay abuurto xalal waara oo wax ka qabta isbeddelada cimilada ee dalkeenna.

Intii uu socday kulanka, GCF ayaa soo bandhigtay qorshaha dib-u-habeynta si loo yareeyo caqabadaha habka maalgelinta, iyadoo loogu talogalay in la gaarsiiyo $50 bilyan oo maalgelin ah sanadka 2030. Wasiirka ayaa bogaadisay qorshahan, iyadoo ku baaqday in si wadajir ah loo abuuro nidaam dhaqaale oo waxtar leh oo taageero buuxda siin kara dalalka sida Soomaaliya oo kale ah, si ay awood ugu yeeshaan la tacaalida saameynta isbeddelka cimilada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here