Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir uga qayb galay Sucuudiga

0
21

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qeybgalay shirka wasiirrada ee loogu diyaar garoobayo Shir Madaxeedka Caalamiga ah ee Carabta iyo Islaamka ee aan Caadiga ahayn. Shirka ayaa ka dhacay caasimadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaas oo lagu gorfeeyay weerarka joogtada ah ee Israel ku hayso dhulka Falastiin iyo Lubnaan, iyo sidoo kale xaaladaha ugu dambeeyay ee gobolka iyo isku-dubaridka mowqifyada wadajirka ah ee dowladaha xubnaha ah.

Shirkan waxaa ka soo qaybgalay Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka, Mudane Xuseen Ibraahim Taha; Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Mudane Axmed Aboul Gheit; iyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Islaamka.

Sidoo kale, shirka waxaa ka qaybgalay Danjire Cali Cabdi Aware, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta; Danjire Cabdulqaadir Macallin Nuur, Wakiilka Joogtada ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka; iyo Danjire Oweys Xaaji Yuusuf, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here