Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Bilowgii Sanadkan gabagabada ah waxa guud ahaan dalka ku dhufatay musiibada Elnino, taas oo ay ka dhalatay xaalada bini’adanimo oo daran iyada oo Jubbaland ahayd halka ay saameynta ugu daran ka geysatay.
Isla dhamaadka sanadka Deegaanada Jubbaland waxaa ka jira abaar daran iyo kulayl sababa la xiriira roobka deyrta oo kadib dhacay xiligiisa iyo isbadalka cimilada iyada oo laga cabsi qabo inay cagta mariso xoolaha sidoo kalena galaafato nolasha dadka iyo duunyada.
Juweeriya Xasan Axmed ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.