Man United Oo Shaqada Ka Caydhisay Erik Ten Hag & Badalkiisa Oo La Magacaabay

0
35

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Manchester United ayaa ku dhawaaqday inay shaqada ka caydhisay Erik Ten Hag kadib natiijooyinkii xumaa ee kooxda.

Manchester United ayaa shalay guuldaro 2-1 ah kala kulantay kooxda West Ham, waxayna ku sii socotaa kaalinta 14-aad, waxayna la kulantay 4 guuldaro, halka ay ku guuldareysatay inay wax guul ah ka gaarto tartanka Europa League.

Erik Ten Hag ayaa loo magacaabay tababaraha Man United xilli ciyaareedkii 2022/2023 waxana uu kooxda kula guulaystay koobka Carabao cup-ka iyo waliba FA Cup-ka.

Kooxda Ingariiska ayaa u mahadcelisay tababaraha, waxayna ku nuuxnuuxsatay qoraalkeeda: “Waxaan uga mahadcelineynaa Eric wixii uu sameeyay mudadii uu nala joogay, waxaana u rajeyneynaa guul mustaqbalka.”

Kooxda ayaa xaqiijisay in Van Nistelrooy, caawiyaha Ten Hag, uu noqon doono tababaraha ku meel gaadhka ah ee kooxda, iyadoo ay taageerayaan shaqaalaha farsamada ee hadda jira, ilaa laga shaqaaleysiiyo tababare joogto ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here