Soomaaliya iyo Cumaan oo ka wada hadlay kobcinta dhoofka Xoolaha Soomaaliyeed

0
8

Kismaayo(Idaacadda Waamo)- Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed oo booqosho rasmi ah ku jooga saldanadda Cumaan ayaa maanta heshiis is-afagarad la saxiixday dhigiisa Cumaan Mudane Dr. Saud Bin Hamoud Al Habsi, Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Biyaha.

Kulanka ayaa intii uu socday waxa ay labada dhinac ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhoofka Xoolaha, hilibka, kobcinta tayada caafimaadka Xoolaha iyo la dagaalanka cudurada faafa, khibradaha iyo xogaha la xiriira badqabka cuntada, kor u qaadida sugnaanta cuntada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa maalgashiga.

Heshiiska is afgarad ee labada Dal ay kala sixiixdeen waxaa uu ku saabsanaa caqabadaha hortaagan ganacsiga Xoolaha, fududeynta maalgashiga labada dhinac ee sector xanaanada xoolaha iyo kheyraadka dabiiciga ah.

Heshiiskan waxaa looga golleeyahay in sare loogu qaado iskaashiga dhanka soo dejinta iyo dhoofinta Xoolaha nool ee u dhexeeya labada dal, kobcinta awoodda adeega caafimaadka xoolaha, adeegyada ogaanshaha, hababka karantiilka, hubinta u hoggaansanaanta ku dhaqanka shuruudaha caalamiga ah iyo heerarka dhoofinta xoolaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here