Xisbiga talada Japan haya oo lumiyay aqlabiyadda Baarlamaanka

0
33

Kismaayo(Idaacadda Waamo)- Isbaheysiga talada haya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha Japan Shigeru Ishiba ayaa lumiyay aqlabiyadda kuraasta aqalka hoose ee barlamaanka, kaddib doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay oo Japan ka dhacday Axaddii shalay.

Tani ayaa loo arkaa ciqaab siyaasadeed oo xisbiga LDP uga timid codbixiyaasha, kuwaas oo ka carooday fadeexadaha maaliyadeed ee ballaaran ee dhawaan lasoo darsay xisbiga talada haya.

Xisbiga Liberal Democratic Party ee Ishiba ayaa weli ah xisbiga ugu sarreeya baarlamaanka Japan, lamana filayo isbedel ku yimaada dowladda uu hogaamiyo. Hase yeeshee, natiijadi Axaddii ayaa abuurtay hubanti la’aan siyaasadeed.

Codadka uu lumiyay aawadeed, ayaa kallifeysa in Ishiba uu ajandayaashiisa siyaasadeed soo dhexmarsiiyo baarlamaanka, waxaana laga yaabaa in uu u baahdo kuto siyaasadeed oo hor leh.

Isbaheysiga Talada haya ayaa inta aysan galin doorashadan waqtigeeda laga soo hormarshay heystay, kuraas dhan 279, laakin doorashada kaddib helay 215 kursi, sida ay saaka xaqiijisay warbaahinta Japan.

Waa natiijadi ugu xumeyd uu isbaheysigan keeno tan iyo sannadki 2009-ki.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here