Lamine Yamal Oo Ku Digtay Real Madrid Kadib Guushii El Clasico

0
39

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Xiddiga kooxda Barcelona ee Lamine Yamal ayaa ka hadlay guushii ay kooxdiisu ka gaadhay Real Madrid kulankii El-Clasico ee fiidnimadii Sabtida.

Labada kooxood ayaa ku kulmay kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga kana dhacay garoonka Santiago Bernabeu.

Yamal ayaa dhaliyay goolkii 3-aad ee kooxdiisa waxana uu noqday da’yarkii ugu yaraa ee ciyaara kulanka.

Lamine Yamal oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Kooxdu aad ayay u faraxsantahay, ugu dambeyntii, tani waxay ka dhigan tahay 3 dhibcood oo dheeraad ah oo horyaalka ah. Marka ay timaado dabaaldega, waxaan jeclahay inaan ku raaxaysto naftayda, taasna waa intaas oo dhan”.

“Waxa ay u muuqdeen kuwo daalan sidaas darteed waxa aan go’aansanay in aan cadaadis saarno, waxa aan ahayn kooxda fiican mar walba waxa aan isku daynaa in aan fiicnaano”.

“Goolkayga, xiddigaha Real Madrid aqoon uma lahayn in aan kubada ku laadi karo lugta midig taas ayaana ii suurtagalisay in aan dhaliyo goolka”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here