Japan oo dooraneysa hugaamiye cusub

0
31

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Cod-bixiyayaasha Japan ayaa u dareeraya goobaha codbixinta ee doorasho degdeg ah, ka dib dhawr sano oo buuq badan ka dhex jiray xisbiga talada haya oo la kulmay fadeexooyin xoog le, balse waxaa jira danayn dhanka codbixiyaasha ah oo ku aadan doorashada iyo aqlabiyadda oo ku yar xisbiga.

Doorashada ayaa waxaa ku dhawaaqay Shigeru Ishiba, ra’iisul wasaaraha dalkaas,saddex maalmood ka dib markii loo doortay hoggaamiyaha xisbiga talada haya ee LDP – ka hor inta aan si rasmi ah loogu dhaarin xilka ra’iisul wasaaraha.

Go’aankan ayaa la gaaray inkastoo xisbiga LDP uu haysto aqlabiyad ka hooseeya 20% horaantii sanadka, ka dib fadeexad musuqmaasuq oo dhaqaale ururin la xiriirta oo dhacday.

Sidaas oo ay tahay LDP waa xisbiga ugu adag ee caqabad ku noqday axsaabta mucaaradka oo iyagu ku guuldareystay codka, isla markaana mideyn waayay cududooda si ay codbixiyaasha ugu sheegeen in ay yihiin xisbi qaban kara xukunka.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka ayaa helay cod ah 6.6% ka hor inta aan baarlamaanka la kala dirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here