Laba Halyeey Oo Uu Mohamed Salah Dhaafi Doono Xilli Ciyaareedkan Oo La Magacaabay

0
38

Kismaayo(Idaacadda Waamo)- Ciyaaryahankii hore ee Liverpool Emile Heskey ayaa saadaaliyay in Mohamed Salah jabin doono rikoodhka halyeeyo premier League ah xilli ciyaareedkan.

Mohamed Salah ayaa ku guuleystay inuu isku muujiyo inuu yahay mid ka mid ah halyeeyada Liverpool FC, tan iyo markii uu Anfield kaga soo biiray Roma xagaagii 2017.

Mohamed Salah ayaa u suurtagashay in uu dhaliyo 162 gool oo horyaalka Ingiriiska ah.

Halka Thierry Henry uu dhaliyay 175 gool horyaalka Ingiriiska, halka Frank Lampard uu dhaliyay 177 gool.

Emile Heskey ayaa aaminsan in Mohamed Salah uu si sahlan kaga gudbi karo rikoodhka halyeeyada Henry iyo Lampard.

Heskey ayaa yidhi”Xaqiiqdii waxaan arki karaa Mohamed Salah oo dhaafi doona Thierry Henry iyo Frank Lampard tirada goolasha ee Premier League xilli ciyaareedkan.”.

Waxa uu intaa ku daray: “Marka la eego Salah, oo dhaliyay 162 gool, iyo Lampard iyo Henry, siday u kala horreeyaan, 177 iyo 175, hubaal waa la gaari karaa.”

Wuxuu hadalkiisa kusii daray: “Waxaan u maleynayaa inuu dhalin doono wax ka badan 20 gool xilli ciyaareedkan markale, hadii uu sidaas sameeyo, wuxuu dhaafi doonaa Lampard iyo Henry, taasoo noqon doonta guul cajiib ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here