Dowladda Soomaaliya oo horumarinta tacliinta sare la kaashanaysa Shiinaha

0
10

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Dr. Xasan Cusmaan Gacal iyo Agaasimaha xafiiska Guddoomaiyaha Jaamacadda Mukhtaar Sheekh Maxamed oo safar shaqo ku jooga magaalada Beijing ee caasimada Shiinaha ayaa maanta kulan la qaatay madaxda Jaamacadda Diraasaadka Dibadda ee Beijing (BFSU).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dhaqangelinta heshiis iskaashi iyo wada-shaqeyn ah oo ay kala saxiixdeen labada jaamacadood. Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Jaamacadda Diraasaadka Dibadda ee Beijing ayaa iska kaashan doona deeqaha waxbarashada, is dhaafsiga ardayda iyo macallimiinta iyo fulinta mashaariicda cilmibaarista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here