Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Gudoomiyaha degmada Kismaayo ahna duqa magaalada Cumar Cabdullaahi Maxamed Faraweyne oo Malma kahor Kaqeyb galay xarig jarka tuulada Mubarak ee waqooyiga Degmada Kismaayo ayaa u mahadceliyay cid kasta oo gacan ka geysatay hirgilinta tuulada Mubaarak Gudoomiyaha ayaana sidoo kale u mahadceliyay dadka kasoo jeeda deegaanka ee Ceel biyoodka u hirgaliya kaas oo muhiim u ah dadka deegaanka.
Mowliid Abdi Kulmiye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.