Dal Afrkaan ah oo shaaciyay in uu dabar-gooyay cudurka Duumada

0
39

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Masar ayaa 100 sano ka dib ku dhawaaqday inay ka xorowday duumada ama Malaariyada ay dalkeed ka cirib-tirtay. Masar waxa ay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO u xaqiijisay in duumada ay ka cirib-tirtay dalkeda ka dib dadaal dheer.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka dadwaynaha ayaa dhankeeda ku tilmaantay mid“ taariikhi” in Masar ay soo afjartay cudurka Duumada.

Mas’uuliyiinta Masar ayaa billaabay dadaalkoodii ugu horreeyay ee ay ku baabi’inayaan cudurka dilaaga ah ee kaneecadu ku dhawaad ​​100 sano ka hor.

Duumadu waxay dishaa ugu yaraan 600,000 oo qof sannadkii, islamarkana ku dhawaad ​​dhammaantood waxay ku nool yihiin Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here