Prabowo Subianto oo maanta noqonaya madaxweynaha Indonesia

0
9

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Prabowo Subianto oo bishii Febraury loo doortay xilka madaxweynaha Indonesia ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah uu si rasmi ah u fariisto xafiiska madaxtooyada ee magaalada Jakarta.

Subianto oo horay u soo noqday taliyaha ciidanka gaarka ah, ayaa si weyn ugu guuleystay doorashadi madaxtinimada ee horraanti sannadkaan, kaddib marki uu ololaha ku soo galay siyaasado ay ku jireen in uu cuntada bilaash uga dhigi doono ardayda iskuullada.

73 jirkaan ayaa sagaalki bilood ee uu doornaa waqti badan geliyay dhisidda isbaheysi adag oo uu ka dhex sameystay gudaha baarlamaanka. Marka la dhaariyo maanta ayuu noqon doonaa madaxweynaha sideedaad ee soo mara Indonesia, isaga oo xilka kala wareegi doono madaxweynaha xilka ka dagayo Joko “Jokowi” Widodo.

Subianto ayaa waxaa madaxweyne ku xigeen u noqon doono, Gibran Rakabuming Raka oo ah curadka wiilasha madaxweynaha xafiiska banneynaya Joko Widodo. Gibran ayaa ah 37 jir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here