Daafaca Ugu Fiican Premier League Oo La Magacaabay

0
13

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Virgil van Dijk ayaa wali helaya booska daafaca dhexe ee ugu fiican Premier League, sida uu qabo geesiga Everton iyo Bolton Alan Stubbs.

33-sano jirkaan ayaa daafaca ka ciyaara kooxda Liverpool tan iyo 2018-kii, waxaana uu ku jiray horyaalka heerka koowaad ee England tan iyo markii uu ku biiray Southampton 2015-kii.

Xiddiga reer Netherlands ayaa laga yaabaa in uu kaliya hal horyaal ku guulaystay, laakiin muddo dheer ayaa loo arkaa mid ka mid ah wax qabadyada ugu wanaagsan ee heerkan, Stubbs ayaana aaminsan in uu wali yahay xiddiga ugu fiican booskiisa.

“Virgil waa daafaca ugu fiican”ayuu Stubbs yidhi.

“Waxa uu leeyahay tayo kasta oo aad uga baahantahay daafac, waa xiddig orod badan, waa xiddig xoogan waxana uu si fiican u akhriyaa ciyaarta sidoo kale waxa uu ku fiican yahay kubad haysashada waana Hogaamiye”ayuu sii raaciyay.

“Kubada cagta haatan kuma arko Hogaamiyayaal badan laakiin Virgil waa hogaamiye waana xiddiga ugu maamulista fiican kooxdiisa ciyaarta dhexdeeda ee premier League”.

“Waxa uu ku ciyaaraa kalsooni waana xiddig heer caalami ah waxana uu Helay Ixtiraamka saaxiibadiis sanadihii uu ciyaarayay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here