Wasiirka Dekedaha dalka Masar iyo maalgashadayaal uu hoggaaminayo oo kusoo wajahan Muqdisho

0
13
Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2020-05-19 15:42:14Z | |

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Maxmuud Cabdiraxman Faarax Beenebeene ayaa sheegay in dalka ay kusoo wajahan yihiin Wasiirka wasaaradda Dekedaha dalka Masar, H.E. Kamel El Wazir iyo ganacsato u dhashay dalka Masar.

Ujeeddada safarkooda ayuu ku sheegay in ay dalka Soomaaliya ka hirgeliyaan mashaariic waaweyn, iyagoo maalgashiyo ku samaysan doona dekedaha dalkeenna.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay u aragto xiisaha sii kordhaya ee maalgashadayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah fursad , isagoo xaqiijiyay booqashooyinka wafdiga Masar ee dhawaan imaanaya dalka ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday sahaminta fursadaha maalgashi ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here