Liverpool Oo Badalka Virgil Van Dijk

0
51

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Maamulka Liverpool ayaa doortay badalka ku haboon ee daafaca khabiirka ah ee reer Holland Virgil van Dijk kaas oo aan wali go’aan laga gaadhin mustaqbalkiisa kooxda.

Maamulka Liverpool ayaa doonaya inay la soo saxiixdaan daafac cusub oo awood u leh inuu hogaamiyo daafaca dambeedka midig ee kooxda Ingariiska inta lagu guda jiro xilli ciyaareedka soo socda hadii ay dhacdo inuu baxo Van Dijk.

Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska Catalan ee Mundo Deportivo, Liverpool ayaa isha ku haysa da’yarka daafaca dhexe ee France Loic Badie kaas oo wacdaro ka dhigaya Sevilla.

Wararka ayaa lagu sheegay in Sevilla aysan aqbali doonin dhaqaale ka yar 20 milyan oo euro si ay u iibiso ciyaaryahanka da’da yar.

Loïc Badé waxa uu ka qayb-qaatay kooxda Faransiiska ee Olympic-da oo gaadhay finalka tartanka kubadda cagta ee ciyaaraha Olombikada.

Loïc Badé waa 24 jir, waxa uu ku fiican yahay ka ciyaarista dhexe ee daafaca,waxana uu heshiis kula jiraa Sevilla kaas oo socon doona ilaa sanadka 2029.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here