Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo qaabbilay Ku-simaha Safiirka Suudaan

0
41

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa qaabbilay Mudane Ammar Axmed Babiker, Ku-simaha Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan ee Soomaaliya.

Kulanka waxa diiradda lagu saaray xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan, iyadoo la isku raacay in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.

Labada dhinac waxay adkeeyeen muhiimadda xiriirka laba geesoodka ah iyo wada shaqeynta arrimaha labada dal danaynayaan.

Waxaa sidoo kale la isla falanqeeyey xaaladda gobolka iyo tan caalamka, gaar ahaan xaaladda Suudaan.

Danjire Fiqi ayaa muujiyey taageerada buuxda ee Soomaaliya u hayso shacabka Suudaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here