Hay’adda Socdaalka DFS oo Nairobi ka furtay tababar ku saabsan baarista iyo xaqiijinta xogta qofka

0
29

Kissmaayo(Idaacadda Waamo)-Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Siciid Maxamed ayaa maanta magaalada Nairobi ka furay tababar ku saabsan baarista iyo xaqiijinta dukumintiyada qofka oo ay ka qeyb galayaan hawlwadeennada Hay’adaha Socdaalka Soomaaliya iyo Kenya, sidoo kale Bareyaal ka tirsan laanta Baarista Dambiyada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee CID ayaa ka qeyb gelaya tababarkaan.

Agaasime Axmed Siciid tababarka furay ayaa ugu horayn uga mahadceliyay dowladda Norway oo kaalinta ay ka qaadatay fududaynta iyo taabagelinta tababarkan.

Sidoo kale, Agaasimaha HSJ ayaa howlwadeenada ku dhiirigeliyay in ka qayb galayaasha aqoon kororsigan ay si wanagsan uga faa’iidaystaan, maadaama ay cashirada bixinayaan macalimiin ajaanib ah oo qibrad iyo aqoon baxambaarsan.9san.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here