Hadal Uu Yiri Kabtanka Man Utd Bruno Fernandes Oo Carro Ku Abuuraya Taageerayaasha United

0
25

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Xidiga khadka dhexe ee Man United ahna kabtanka kooxdaas ee Bruno Fernandes ayaa sheegay inuu doorbidayo u ciyaarida xulkiisa Portugal markii loo eego kooxda Man United wakhti xaadirkan, tan oo noqon karta hadal ka caraysiiya taagerayaasha kooxda Man United.

Bruno ayaa sheegay in wakhti xaadirkan xaalada kooxda United aysan ahayn mid wanaagsan, kooxda tababare Ten hag ayaa ku jirta kaalinta 14aad todoba kulan oo ilaa haatan la ciyaaray horyaalka, halka ay keliya 2 dhibcood ka heleen tartanka Europe League oo ay ciyaareen 2 kulan.

Kadib xaalada adag ee ka taagan kooxdiisa United xidigan ayaa aaminsan soo aadista xulkiisa Portugal in ay tahay mid u wanaagsan isaga.

Bruno” ma ahan xaalad wanaagsan, ma badineyno kulamada xaalada xulka qarankuna wey ka duwantahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here