Real Madrid oo Bartilmaameedsanaysa daafac Arsenal ah suuqa xagaaga

0
48

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda reer Spain ee Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay bartilmaameed ka dhigatay daafaca dhexe ee kooxda Arsenal William Saliba oo ay saxeexiisa isku dayi doonto suuqa xagaaga ee soo aadan.

Majalada kasoo baxda wadanka Faransiiska ee Le10Sport ayaa ku soo waramaysa in ay kooxda heysata horyaalnimada Yurub ka dhigatay bartilmaameedkeeda ugu weyn ee dhanka daafaca xidiga kooxda Arsenal ee William Saliba.

Real oo xagaagi dhawaa kooxda ka fasaxday Kabtankeedii kooxda sanadaha badan ku sugnaa ee Nacho Fernandez  ayaa ay ku yaraadeen dookhyada daafac dhexe ee kooxda ku sugan, iyada oo David Alaba dhaawac mudo dheer ah ku maqanyahay, halka Eder Militao uu dhaawaciisu joogto noqday.

Si kastaba doonista xidigan ayaan Real Madrid u noqon doonin mid fudud, isaga oo haatan ku sugan mid ka mid ah kooxaha ugu fiican kubada cagta oo u tartan ugu jirta koobab muhiim ah, sidoo kalena ka hoos shaqaynaya tababare iyo maamul qorsheyaal cad cad leh, ayaa ka dhigi doonta saxiixa William Saliba mid aan sahlanayn.

William Saliba ayaa labadii sano ee ugu dambeeyay ee uu Arsenal u ciyaaray ka dhigey daafaceeda mid ay adagtahay in goolal badan lagu helo, sidoo kale wuxu mudadaas ka caawiyey kooxdu inay tartan adag u gasho hanashada horyaalka, isaga oo wakhtigaas kooban ku noqday mid ka mid ah daafacyada ugu fiican horyaalka Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here