Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Nairobi kula kulmay safiirka Sweden ee Soomaaliya

0
44

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka ee SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula qaatay Safiirka dowladda Sweden ee Soomaaliya Ambassador Joachim Waern oo ay wehliso Madaxa barnaamijka adkeysiga qaybta Soomaaliya Cecilia Kleimert.

Shirkaan waxaa looga hadlay guud ahaan xaaladaha bani’aadannimo ee dalka, sidii looga hortagi lahaa saameynta abaaraha la saadaalinaayo loona yareyn lahaa khasaaraha ka dhasha, sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta deeq-bixiyayaasha iyo Hay’adda, adkeynta dadaallada diyaar-garowga iyo ka hortagga.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin ayaa si weyn dowladda Sweden uga mahadceliyay taageerada muddada dheer ah ay la garab taagantahay Soomaaliya, si gaar ah dhismaha Xarunta NEOC oo udub-dhexaad u ah arrimaha gargaarka degdega ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here